Xildhibaanada Mucaaradka oo ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe in ay afduubteen Baarlamaanka

Xildhibaano ka tirsan Golaha Samata-bixinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku cambaareeyay kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka, iyagoo ku sheegay mid aan waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka.
Golaha ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe inay ku guuldarreysteen ilaalinta dastuurka, taas oo dhalisay khilaaf siyaasadeed, musuq-maasuq, iyo kala qaybin bulsho.
War-saxaafadeedka ayaa bulshada Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo beesha caalamka loogu baaqay in aysan aqoonsan natiijooyinka ka soo baxa kalfadhigan, ayna cadaadis ku saaraan hoggaanka dowladda iyo baarlamaanka si loo ilaaliyo dastuurka iyo nidaamka dowladnimo.
Golaha Samata-bixinta ayaa sidoo kale ku sheegay in fashilka kalfadhiga 7-aad uu caddeyn u yahay in Baarlamaanka Soomaaliyeed uusan ka shaqeyneyn danaha shacabka, isla markaana ay lama huraan tahay in la qaado tallaabooyin lagu badbaadinayo sharciga iyo dimuqraadiyadda dalka.