|

MW Xasan Sheekh: “Xiriirka Itoobiya iyo Masar midna kama hor imaanayo danaha Soomaaliya”

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 17, 2025
MW Xasan Sheekh: “Xiriirka Itoobiya iyo Masar midna kama hor imaanayo danaha Soomaaliya”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si qoto dheer uga hadlay mashruuca biyo-xireenka weyn ee Itoobiya (Grand Ethiopian Renaissance Dam – GERD) iyo saameynta uu ku yeelan karo gobolka, isagoo ku adkeystay in Soomaaliya ay ilaalinayso isku dheelitirka xiriirrada istiraatiijiga ah ee dalalka gobolka.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay warbaahinta Al Arabiya iyo Al Hadath, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in mashruuca GERD uu yahay mid “weyn oo saameyn ballaaran ku leh gobolka oo dhan,” balse wuxuu caddeeyay in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uusan waxyeello u geysan doonin iskaashiga dhow ee Muqdisho la leedahay Masar.

“Xiriirka aan la leenahay Itoobiya kama hor imaanayo iskaashigeenna istiraatiijiga ah ee aan la leenahay Masar. Waxaan taageersanahay wadahadallada la xiriira arrinta biyo-xireenka, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ii xaqiijiyey in uu diyaar u yahay inuu la fadhiisto cid kasta oo walaac ka qabta arrimaha biyaha,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda wadahadallada saddex-geesoodka ah ee u dhexeeya Itoobiya, Masar iyo Suudaan, si loo helo xal waara oo ku saabsan mustaqbalka wabiga Niilka iyo biyo-xireenka.

Sidoo kale, wuxuu iftiimiyay kaalinta ay Qaahira ka qaadato dhanka amniga, isagoo sheegay in Masar ay gacan ka geysaneyso tababaridda ciidamada Soomaaliya iyo bixinta taageero saadka ah. Tallaabadaasi ayuu ku qeexay inay tahay calaamad muujinaysa xiriir dhow oo ka madax-bannaan khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhashay biyo-xireenka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.