Maamulka Waqooyi Bari oo cambaareysay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar

Maamulka Waqooyi Bari ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kadib markii duqeyn ka dhacday deegaanka Jinacyo ee degmada Ceelbuh, gobolka Sanaag lagu dilay nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi Ibrahim.
War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in falkan uu yahay dambi foosha xun oo ka dhan ah dhaqanka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac ku ah nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Dowladdu waxay si adag u cambaareysay diyaaradaha aan la garanayn ee ku hawlgala hawada gobolka Sanaag, kuwaas oo ay ku tilmaamtay khatar weyn oo ka dhan ah nolosha shacabka iyo deegaannada gobolka.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay qaadato door muuqda oo lagu ilaalinayo hawada dalka, isla markaana la hubiyo badbaadada muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waxaa sidoo kale lagu adkeeyay in dowladda dhexe ay qeyb ka noqoto baadhitaanka dilka nabadoonka, si loo helo caddaalad buuxda.
Ugu dambeyn, maamulka ayaa ku adkeystay in dhulka, hawada iyo karaamada shacabka Waqooyi Bari aan la taaban karin, isagoo ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu difaacayo xuquuqda bulshada gobolka.