|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku Tegaya Dhuusamareeb

Warar · Ilhaan · August 18, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku Tegaya Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya furitaanka dhismaha cusub ee xarunta Baarlamaanka Galmudug, oo dhawaan la soo gabagabeeyay, isla markaana loo arko mid muhiim u ah xoojinta awoodda sharci-dejinta iyo maamulka Galmudug.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa ee maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto aragtiyaha iyo talooyinka ku aaddan xaaladda guud ee gobolka.

Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu sheegay mid ku saabsan dardar-gelinta hawl-galka ka dhanka ah AS, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.