"Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo Shaaciyay Liiska 83 Xildhibaan Cusub"

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo ka kooban 83 xildhibaan.
Xildhibaanada cusub ayaa laga soo doortay saddexda gobol ee maamulkaasi:
-
37 xubnood gobolka Sanaag
-
30 xubnood gobolka Sool
-
16 xubnood gobolka Togdheer
Inkasta oo ay jiraan cabashooyin iyo tabashooyin beeleed, haddana waxaa muuqata in marxaladda xigta – doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha – la guda geli doono maalmaha soo socda.
Waxaa sidoo kale xusid mudan in golaha cusub ay ku jiraan afar haween ah, saddex ka mid ahna ay ka soo jeedaan gobolka Sanaag.
Xildhibaanada ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhaariyo magaalada Laascaanood, iyadoo isla markiiba loo gudbi doono tartanka guddoonka baarlamaanka. Musharraxiin dhowr ah ayaa durba isku diyaarinaya, waxaana la filayaa in ololaha siyaasadeed uu si rasmi ah u bilaabmo saacadaha iyo maalmaha soo socda.
Geeddi-socodka dhismaha maamulka Waqooyi Bari wuxuu soo maray marxalado adag oo ay hareeyeen muranno iyo is jiid–jiid u dhexeeyay beelaha deegaanka, balse ugu dambeyn xal ayaa laga gaaray khilaafaadkii jiray.