Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqday deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire, oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab, iyadoo howlgalkaasi ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Uganda ee AMISOM/UPDF.
Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii ay hore ugu sugnaayeen Alshabaab, halkaas oo lagu arkay meydad badan oo ka tirsan kooxda, hub tiro badan iyo saanado ciidan oo ay ka tageen markii ay carareen.
Taliyaha ayaa ammaanay guusha ay ciidamada gaareen, isagoo ku dhiirrigeliyay in la sii laba-laabo dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Jeneraalka ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay godad ka qoteen guryo ay deganaayeen shacabka deegaanka, taas oo muujineysa sida kooxdaasi ay ugu takri-fasho hantida iyo nolosha dadka rayidka ah.