|

DFS oo Digniin Adag u Dirtay Shaqsiyaadka Hurinaya Xasilooni-darrada Gobolka Gedo

Warar · Ilhaan · August 7, 2025
DFS oo Digniin Adag u Dirtay Shaqsiyaadka Hurinaya Xasilooni-darrada Gobolka Gedo

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay in ay si dhow ula socoto dhaqdhaqaaqyada xasilooni-darrada ah ee weli ka socda Gobolka Gedo, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay hurinayaan xubno qaswadayaal ah oo uu amar siiyay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xubnahan ay wadaan abaabul dagaal iyo marin habaabin bulshada si ay u qariyaan dambiyo la xiriira falal amni-darro oo horey uga dhacay gobolka. Waxaa si gaar ah loogu xusay qoraalka in Maxamuud Sayid Aadan uu ka mid yahay shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyadaas, isagoo horey gacanta ugu lahaa falal lid ku ah amniga gobolka.

Wasaaradda ayaa xustay in Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya shacabka deegaanka, ay wadaan howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, xasiloonida, iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan deganaanshaha gobolka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Amniga ayaa si adag uga digtay in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha ku hawlan hurinta colaadaha siyaasadeed iyo amni-darro. Dowladda Federaalka ayaa caddeysay in dhaqdhaqaaqyadooda si dhow loola socdo, isla markaana lala xisaabtami doono haddii ay sii wadaan falalkaas liddi ku ah dowladnimada iyo nabadgelyada guud.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.