Guddoomiye Mungaab oo sheegay in dhawaan la furi doonno waddooyinka xiran ee Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo xiri doonta waddooyinka Cabdiqaasim iyo Banaadir ee degmada Hodan.
Muungaab ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir ay ka go’an tahay in shacabka dib loogu celiyo canshuurta ay bixiyaan, iyada oo loo marayo horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha kaabayaasha muhiimka ah. Wuxuu sidoo kale ballanqaaday in dhowaan la bilaabi doono waddooyin kale oo laami ah oo laga hirgelinayo caasimadda.
Sidoo kale, Duqa Muqdisho wuxuu xusay in dhawaan la furi doono waddooyinka aan khatarta amni lahayn ee xiran, si loo fududeeyo isku socodka dadka iyo gaadiidka, isagoo bulshada ugu baaqay in ay garab istaagaan hey’adaha amniga.
Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud Xasan Maxamed Jimcaale, Guddoomiyaha Degmada Hodan, agaasimeyaal, odayaal dhaqameed, ganacsato, hay’adaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.