|

Shir looga hadlay ammaanka oo lagu qabtay Baydhaba iyo Saraakiil ka qayb-gashay

Wararka Idaacadda · Dalsan Editor · September 21, 2022
Shir looga hadlay ammaanka oo lagu qabtay Baydhaba iyo Saraakiil ka qayb-gashay

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad  goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Gudoomiyey Shirka Gollaha Amniga Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka oo ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Baay, Sarakiisha Laamaha Amniga Booliska, Mileteriga, Nabad Sugida, ATMIS iyo Saraakiil Ka socday Dowladda Ingiriiska.

Shirka Waxaa looga hadlay Xoojinta Howlgalada lagu soo afjaraayo dagaalamayaasha Al-Shabaab, oo gacanta ku haya degaanno badan oo ka tirsan maamulkaasi.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa u mahadceliyey Ciidamada qeybahooda kala duwan ka qeybqaadashada sugida amniga Deeganada Koonfur Galbeed waxana Saraakisha uu Faray in loo diyaar garoobo Howlgallo ka dhan ah  Argigixisada Al-shabaab.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.