Wariye ka tirsan Al Jazeera oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Qasa

Wariye caan ah oo ka tirsan Telefishinka Al Jazeera ee laga leeyahay dalka Qadar, Anas al Sharif, ayaa ku geeriyooday duqeyn ay Israa’iil ka fulisay magaalada Qasa, taas oo sidoo kale ay ku dhinteen afar qof oo ka mid ahaa saaxiibbadiis shaqada.
Weerarka ayaa ka dhacay teendho u dhow isbitaalka al Shifa, halkaas oo uu Anas al Sharif ka tabinayay dagaalka ka socda Qasa, gaar ahaan waqooyiga magaalada. Israa’iil ayaa ku eedeysay in uu ka tirsanaa Xamaas, balse isaga iyo Al Jazeera ayaa si cad u beeniyay eedeyntaasi.
Dhowaan, al Sharif ayaa shaaca ka qaaday in uu wajahayo aflagaado iyo hanjabaado uga imaanaya mas’uuliyiin Israa’iiliyiin ah. Tifaftiraha sare ee Al Jazeera, Maxamed Moawad, ayaa u sheegay in kanaalkoodu uu weli yahay mid ka mid ah warbaahinta yar ee ka warbixisa xaaladda Qasa, inkastoo ay si joogto ah u luminayaan saaxiibadood iyo qoysaskooda.
Warbixinnada hay’adaha warbaahinta ayaa muujinaya in duqeymaha Israa’iil lagu dilay ku dhowaad 200 suxufi tan iyo markii dagaalku bilowday.