Maxkamadda Dambiyada Dagaalka oo Amar Qabasho Kusoo Saartay Hoggaamiyeyaal Sare oo Taliban ka Tirsan

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) oo fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba ka mid ah hoggaanka ugu sarreeya ururka Taliban, kuwaas oo lagu eedeeyay tacadiyo culus oo ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha Afghanistan.
Maxkamaddu waxay sheegtay in ay hayso “sababo macquul ah” oo muujinaya in:
-
Hibatullah Akhundzada – hogaamiyaha ugu sarreeya Taliban
-
Abdul Hakim Haqqani – madaxa cadaaladda kooxda
ay galeen dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, iyagoo si nidaamsan u curyaamiyay xuquuqda haweenka tan iyo markii ay xukunka qabteen sannadkii 2021.
Eedeymuhu waxay ku saleysan yihiin:
-
Mamnuucidda waxbarashada gabdhaha,
-
Xayiraad lagu soo rogay haweenka dhanka shaqada iyo dhaq-dhaqaaqa,
-
Iyo guud ahaan kala sarreynta iyo takoor ka dhan ah haweenka oo noqotay xeer rasmi ah gudaha dalkaas.
Taliban, oo si kulul uga jawaabtay amarka maxkamadda, ayaa ku dhawaaqday in aysan aqoonsanayn ICC, iyadoo tallaabadan ku tilmaantay “ficil cadawtinimo ah” iyo “aflagaado loola jeedo diinta Islaamka iyo Muslimiinta caalamka”.
Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda ICC ayaa sii wadaysa baadhitaanno ku saabsan xadgudubyada bani’aadantinimo ee ka socda gudaha Afghanistan tan iyo markii Taliban dib ugu soo laabatay talada.