|

Ciyaar Galabta dhex mari laheyd xulalka Jubbaland iyo Galmudug oo baaqatay

Xulashada Ciyaaraha · Bilan Media · December 14, 2017

Maanta ayuu qorsuhu ahaa in Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir oo ay ka socdaan Ciyaaraha Maamul Goboleedyada in ay ku wada Ciyaaraan Ciyaartoy kala meteleysa Maamulada Jubbland iyo Galmudug balse la sheegay in ay baaqatay.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa Dalsan u xaqiijiyay in Ciyaartaas ay Maanta dib ugu dhacday Sababo la xiriira Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xerada Ciidanka Booliiska ee Jenaraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.

In kastoo aan weli la shaacin xiliga rasmiga ah ee Ciyaartaan baaqatay la ciyaaro doono ayaa hadana Ciyaartoyda labada dhinac ee ku wada jira Group-ka A,lagu wargeliyay in Ciyaartaas dib loo dhigay.

Maadaama Maanta ay Ciyaartaas baaqatay Jimacada Beri ahna ay jiraan ciyaaro kale ayay u badan tahay in Ciyaarta Maanta baaqatay la Ciyaaro inta lagu guda jiro Maalmaha fasaxa.

Maalinta Berito ah oo Jimco ah ayaa waxaa wada Ciyaari doonaan Ciyaartoyda labada Maamul goboleed ee Puntland iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.