Furitaanka Kalfadhiga 7-aad: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Hortagaya Baarlamaanka xilli Mucaaradku Muujinayo Diidmo

Waxaa maanta si rasmi ah u furmaya kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo ay hor yaallaan ajandayaal culus oo la xiriira xaaladda siyaasadeed, amniga dalka, iyo shuruucda dhismaha dowladnimada.
Kalfadhigan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalka ka jiro jahawareer siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, taasoo keentay in dhowr jeer dib loo dhigo furitaankiisa. Arrimahan ayaa abuuray walaac laga qabo jawiga guud ee fadhiga maanta.
Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in kulanka uu hareeyo sawaxan iyo diidmo siyaasadeed, maadaama ay jiraan xildhibaano mucaarad ah oo si weyn uga cabanaya hab-dhaqanka siyaasadeed ee haatan socda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa furitaanka kalfadhigan si rasmi ah u guddoomin doona, isagoo jeedin doona khudbaddiisa dastuuriga ah. Khudbaddaas ayaa la filayaa inay si qoto dheer u taaban doonto waxqabadka dowladda, qorshayaasha horyaalla Baarlamaanka muddada kalfadhigan, iyo xaaladda adag ee uu dalku wajahayo.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu iftiimiyo guulaha ay dowladda sheegtay inay ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka, iyo xoojinta xiriirka dibadda. Dhanka kale, Baarlamaanka ayaa laga filayaa inuu xoogga saaro mooshinnada yaalla iyo ansixinta sharciyo muhiim u ah bulshada.
Furitaanka kalfadhigan 7-aad wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyadoo ay muuqdaan mowjado siyaasadeed oo cusub iyo mooshino horey loo gudbiyay oo wali miiska saaran.