Dibadbaxii Madasha Mucaaradka oo Muddo Dib loo Dhigay Kadib Dadaallo Dhexdhexaadin

Dibadbaxii Madasha Mucaaradka ee maanta lagu wadaa in lagu qabto Muqdisho ayaa dib loo dhigay, kadib dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay hoggaamiyeen Imaamka, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo guddiyo ay ka mid yihiin xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda beelaha Hawiye.
Bannaanbaxa oo lagu qorsheeyey in lagu qabto saddex goobood — Siinaay, Tarabuunka iyo Deyniile — ayaa muddo 9 maalmood loo riixay si farsamo ahaan loogu diyaariyo qabsoomiddiisa.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen guddiga dhexdhexaadinta iyo hoggaanka Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa lagu sheegay in mucaaridku ay aqbaleen baaqa, isla markaana bannaanbaxa la qaban doono maalmaha soo socda, iyadoo dowladda looga fadhiyo inay sugto amniga goobaha lagu qabanayo.
Go’aankan ayaa dejiyey walwal ballaaran oo shacabka Muqdisho ka jiray, gaar ahaan cabsi laga qabo in dibadbaxa maanta la qorsheeyay uu isu beddelo qalalaase hubeysan, iyadoo xusid mudan in dowladda horey u mamnuucday dibadbaxyo aan fasax haysan.
Waxaa la isla qaatay in bannaanbaxu yahay xuquuq dastuuriyad ah, balse loo baahan yahay in loo maro hannaan nabadeed oo ay dowladda iyo qaban-qaabiyeyaasha mucaaradku isla meel dhigaan, si bulshada loogu muujiyo dareenkooda iyada oo aan kicin khatar amni.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa guddiga dhexdhexaadinta u caddeysay inay raalli ka tahay xorriyadda kulamada, bannaanbaxyada iyo cabashooyinka, hase yeeshee ay muhiim tahay in si wadajir ah loo shaqeeyo goorta iyo goobta lagu qabanayo si dowladda ay u xaqiijiso sugidda amniga.
Sidoo kale, dowladda ayaa ku adkaysatay in la mamnuucay isku soo bixinta ciidan, wadashada gaadiidka dagaalka (tiknikada) iyo hubka culus, arrintanina si cad loogu wargeliyey dhammaan xubnaha madasha.
Ma cadda sida uu noqon doono xaalada toddobaad kadib — haddii bannaanbaxa la qaban doono ama tallaabooyin kale la qaadi doono — iyo sida guddiga dhexdhexaadintu xal uga heli doonto haddii dowladda ay diido in 9 maalmood kadib la qabto bannaanbaxa.