|

Wasiirka Gaashaandhigga oo cambaareeyay weerar lagu qaaday Saldhig Booliis, kuna baaqay in “mukharibiinta” la horkeeno cadaaladda“Kooxo Mucaarad ah oo u Dhaqmaya Sida Argagixisada Waa in Maxkamad la Hor Keenaa”

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 24, 2025
Wasiirka Gaashaandhigga oo cambaareeyay weerar lagu qaaday Saldhig Booliis, kuna baaqay in “mukharibiinta” la horkeeno cadaaladda“Kooxo Mucaarad ah oo u Dhaqmaya Sida Argagixisada Waa in Maxkamad la Hor Keenaa”

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar ay kooxo hubeysan oo mucaarad ah ku qaadeen Saldhig Booliis oo ku yaalla magaalada Muqdisho, falkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid si bareer ah loogu beegsaday ciidamada ammaanka, gaar ahaan Booliiska Soomaaliyeed, iyadoo lagu burburiyay gaadiidka ciidanka, lana dilay lana dhaawacay saraakiil iyo askar booliis ah oo ku jiray howlahooda shaqo.

Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay dableyda fulisay weerarkaasi inay yihiin “mukharibiin”, oo uu ula jeedo kooxo si ula kac ah u weeraraya dowladnimada, loona baahan yahay in lagu eedeeyo dembiyada culus ee ka dhan ah qaranka — sida argagixisada.

“Ma jirto sabab sharci ama siyaasi ah oo lagu banneyn karo weerar lagu qaado xarumaha dowladda ama ciidamada ammaanka. Ficilladaasi waa kuwo lid ku ah dowladnimada, sharciga iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiirka.

Wuxuu intaas ku daray in kooxaha falkan ka dambeeyay si degdeg ah loo baadi-goobo, sharcigana la marsiiyo, si aysan u sii xoogeysan ficillada noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn, Wasiir Fiqi wuxuu ugu baaqay hay’adaha garsoorka iyo laamaha baarista in ay gutaan waajibaadkooda si loo xaqiijiyo xaqsoor buuxa, loogana hortago in falalka amni-darrada ahi ay sii socdaan, isagoo xusay in ilaalinta sharciga iyo dowladnimada ay tahay mas’uuliyad wadajir ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.