|

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Gaar ah la yeeshay Masuuliyiin Maraykan ah

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 24, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Gaar ah la yeeshay Masuuliyiin Maraykan ah

 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada New York qaar ka mid ah masuuliyiinta sare ee Dowladda Mareykanka.

Kulankan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marwo Allison Hooker, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne hore Donald Trump, Mudane Massad Boulos, iyo Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika, Mudane Vincent Spera.

Intii uu socday kulanka, labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhanka iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in la sii xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee kala dhexeeya Mareykanka. Waxa uu tilmaamay in iskaashigan uu yahay tiir muhiim u ah horumarka, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in ay ku xoojiso saaxiibtinimada iyo iskaashiga caalamiga ah, iyadoo diiradda la saarayo danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo xasilinta gobolka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.