Masaajid Lagu Gubay Deegaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya deegaanka Huurshe ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dab lagu qabadsiiyay mid ka mid ah masaajidda ugu waaweyn deegaankaas, arrin loo arko dhacdo aan hore uga dhicin gudaha Soomaaliya.
Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in tallaabadan ay qaadeen qaar ka mid ah bulshada deegaanka, kadib markii lagu eedeeyay in masaajidkaasi uu ku shaqaynayay dariiqo iyo caqiido ka duwan midda muddo dheer ay bulshada deegaanka raacday.
Dabka ayaa gebi ahaan burburiyay dhismaha masaajidka, halka wixii ka harayna si toos ah loo dumiyay. Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah, masaajidka ayaa inta badan lagu cibaadaysan jiray koox leh aragti diimeed ka duwan tan bulshada inteeda badan, taas oo dhalisay khilaaf xooggan oo ugu dambeyntii sababay in la gubo.
Dhacdadan ayaa loo arkaa mid ku cusub Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee si rasmi ah loo burburiyo masaajid lagu caabudo Alle, sababo la xiriira khilaaf dariiqo diimeed.
Arrintani waxay keentay muran iyo walaac bulshada dhexdeeda ah, iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen fal halis ku ah midnimada bulshada iyo ixtiraamka goobaha cibaadada.