|

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojiyay iskaashiga dhinaca amniga iyo difaaca

Wararka Idaacadda · Ilhaan · September 20, 2025
Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojiyay iskaashiga dhinaca amniga iyo difaaca

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Beijing kulan doceed kula yeeshay Wasiirka Difaaca Jamhuuriyadda Shiinaha, Admiral Dong Jun, intii lagu guda jiray Madasha Caalamiga ah ee Difaaca ee Xiangshan.

Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee heer wasiir dhex mara Soomaaliya iyo Shiinaha muddo ku dhow 40 sano, taas oo astaan u ah bog cusub oo ku saabsan xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal.

Wasiir Fiqi ayaa uga warbixiyay dhinaca Shiinaha guulaha ciidamada Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xasillinta deegaannada muhiimka ah ee dalka, isagoo carrabka ku adkeeyay dadaalka socda ee lagu dhisayo awood ciidan oo waara.

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Shiinaha Admiral Dong Jun ayaa ku ammaanay Soomaaliya horumarka ay ku talaabsatay, isaga oo ku tilmaamay “tallaabo rajo iyo xasillooni horseedaysa” dadaallada dib-u-dhiska amniga iyo adkaynta hay’adaha difaaca.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga iyo wada-shaqeynta, gaar ahaan arrimaha la xiriira xasilloonida gobolka, la dagaallanka argagixisada, taageerada howlgalka AUSSOM, iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala Soomaaliya iyo Geeska Afrika.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.