R/Wasare Xamsa oo Kormeeray Garoonka diyaaradaha, Amarna ku Bixiyay Hagaajinta Adeegyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib cabashooyin ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo ku baaqayay in la horumariyo adeegyada garoonka.
Intii uu ku guda jiray booqashada, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulan la yeeshay masuuliyiinta Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada iyo maamulka garoonka, isagoo ku amray in si degdeg ah wax looga qabto caqabadaha iyo adeegyada ay shacabka ka cabanayaan.
Xamse Cabdi Barre ayaa si cad u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin adeeg garoon casri ah oo hufan, isla markaana aan la aqbali doonin dib u dhacyo iyo adeeg xumo sii daba dheeraata.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ballan qaaday in uu mar kale ku soo laaban doono garoonka laba toddobaad gudahood, si uu indhihiisa ugu arko heerka isbeddelka lagu sameeyay adeegyada muhiimka ah, sida mashiinnada baarista iyo qalabka kale ee lagama maarmaanka ah.
Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu ku adkeeyay masuuliyiinta garoonka in tallaabo dhab ah laga qaadi doono cid kasta oo ku guuldareysata fulinta amarada iyo hagaajinta adeegyada, si loo xaqiijiyo in garoonka Muqdisho uu noqdo mid u qalma caasimadda dalka.