NISA oo sheegtay in howlgal lagu dilay horjooge sare oo Al-shabaab ah.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay fuliyay howlgallo qorsheysan oo guul weyn laga gaaray, kuwaas oo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud, laguna dilay ugu yaraan 11 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare, halka sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay kooxdaasi adeegsanaysay.
NISA ma soo bandhigin sawirada iyo magacyada xubnaha Al-shabaab ee howlgalka lagu dilay.
Taliska NISA ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka fuliyaan dalka.