Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaal cusub

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku guddoomay waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ee safiirrada cusub ee dalalka Itoobiya, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, iyo Ciraaq.
Madaxweynaha ayaa safiirrada uga mahadceliyay doorkooda diblomaasiyadeed, isagoo u hambalyeeyay ku soo biirista safka danjireyaasha caalamiga ah ee ka hawlgala gudaha Soomaaliya. Wuxuu xusay muhiimada ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada iyo horumarka guud ee dalalkaasi iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhiirrigeliyay safiirrada cusub in ay ka shaqeeyaan horumarinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi waxtar leh oo dhexmara labada dhinac, isagoo si cad u muujiyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si diirran u soo dhaweynayaan, ulana shaqeyn doonaan.
Safiirrada waraaqaha aqoonsiga la guddoonsiiyay maanta waa:
-
Suleiman Dedefo Woshe – Safiirka Itoobiya
-
Robert Ifriyie – Safiirka Ghana
-
Maes Ennio – Safiirka Ivory Coast
-
Alejadro Eves Estivill Castro – Safiirka Mexico
-
Moravia Peralt Hernaldez – Safiirka Venezuela
-
Kang Hyundshik – Safiirka Korea
-
Hussein Deh – Safiirka Mauritania
-
Kahtan Taha Khalaf – Safiirka Ciraaq