|

Waa Sidee Xaallada Suuq Bacaad kadib dabkii ka kacay?.

Warar · Ilhaan · August 5, 2025
Waa Sidee Xaallada Suuq Bacaad kadib dabkii ka kacay?.

Waxaa ugu dambeyn lagu guuleystay in la damiyo dab xoogan oo saacado badan ka kacayay Suuq Bacaad, oo ah suuqii labaad ee ugu weyn magaalada Muqdisho, kuna yaalla degmada Yaaqshiid.

Dabka oo billowday abaare 5-tii galabnimo ee shalay ayaa si degdeg ah ugu fiday qaybo badan oo ka mid ah suuqa, gaar ahaan qaybta lagu iibiyo maacuunta, taasoo gebi ahaanba gubatay. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in hal gabar yar ay ku dhimatay dabkaasi, iyadoo ay jiraan burbur hantiyadeed oo baaxad leh, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin qasaaraha rasmiga ah ee hantiyeed.

Saaka aroortii, boqolaal qof oo isugu jira ganacsato iyo dad shacab ah ayaa buux dhaafiyay suuqa, iyaga oo qiimeynaya khasaaraha ka soo gaaray hanti ahaan.

Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee dabka, hase yeeshee baadhitaanno ayaa lagu wadaa in lagu ogaado waxa sababay gubashada suuqa.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.