|

NISA oo Howlgal Qorsheysan ku Dishay Horjoogayaal ka Tirsan Al-Shabaab Gobolka Hiiraan

Warar · Ilhaan · August 2, 2025
NISA oo Howlgal Qorsheysan ku Dishay Horjoogayaal ka Tirsan Al-Shabaab Gobolka Hiiraan

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo gacan ka helaya saaxiibada caalamka, ayaa habeenkii xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Howlgalkaas ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri ay ku kulmayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo lagu tuhunsanaa inay ku howlanaayeen abaabulka falal khatar ku ah amniga shacabka deegaankaas.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay NISA, howlgalka ayaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogayaal iyo dagaalyahanno ka tirsan kooxda. Taliska NISA ma shaacin magacyada ama sawirrada xubnaha la dilay, balse waxay sheegeen in bartilmaameedka la beegsaday uu ahaa mid muhiim ah.

Hay’adda NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay sii kordhin doonto howlgalada la beegsanayo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.