Ciidamo Gaar Ah oo Loo Diyaariyay Xoreynta Aadan Yabaal oo Lagu Soo Bandhigay Garasweyne

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay cutubyo militari oo si gaar ah u tababaran, kuwaas oo loo qorsheeyay inay ka qeyb qaataan howlgal ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada istiraatiijiga ah ee Aadan Yabaal.
Ciidamadan oo lagu soo bandhigay deegaanka Garasweyne, ayaa lagu sifeeyay kuwo leh qalab casri ah oo ku habboon hawlgallada culus ee la xiriira sugidda amniga iyo dib-u-hanashada degmooyinka muhiimka ah ee dowladda.
Saraakiisha hoggaamineysa ayaa sheegay in abaabulkaan uu qeyb ka yahay wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, ujeeddaduna tahay in laga xoreeyo dhammaan deegaannada ay wali kaga sugan yihiin bartamaha dalka.
Howlgalka oo la filayo in uu bilaabmo maalmaha soo socda, ayaa ah mid isku dhaf ah oo ay ka qeyb galayaan ciidamada xoogga dalka, booliiska iyo ciidamo deegaanka ah.
Degmada Aadan Yabaal, oo hadda ay maamulaan Al-Shabaab, ayaa u muuqata bartilmaameedka ugu horreeya ee hawlgalka cusub.