Golaha Wasiirrada oo Ka Shiray Dagaalkii Beledxaawo

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u bogaadiyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed, kadib doorkii ay ka qaateen ilaalinta shacabka iyo ka hortagga khasaare ka dhici lahaa degmada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo.
Goluhu wuxuu sidoo kale si gaar ah u ammaanay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kuwaas oo garab istaag muuqda u muujiyey dowladnimada iyo nabadeynta gobolka, taasoo keentay in xarumihii adeegga dowladda ay dib u bilaabaan shaqadoodii caadiga ahayd.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu adkeeyey in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso dagaalka ka dhanka ah kooxaha Alshabaab , iyada oo laga shaqeynayo sidii shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad, xasillooni iyo adeeg dowladeed oo dhameystiran.
Goluhu wuxuu caddeeyey in cid kasta oo carqaladeysa amniga iyo dadaallada lagu ciribtirayo Alshabaab, ay si toos ah uga soo horjeeddo danaha shacabka iyo dowladnimada.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu ansixiyey labo arrimood oo muhiim ah:
-
Xeer-Nidaamiyaha Dhijitaalka ah ee Nidaamka Maareynta Maaliyadda Qaranka
-
Xisaab-xirka sanadlaha ah ee miisaaniyadda 2024
Go’aannadan ayaa qeyb ka ah dadaalka dowladda ee ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo isla xisaabtanka maaliyadeed ee hay’adaha dowladda.