|

RW Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya

Wararka Idaacadda · Dalsan Editor · September 21, 2022
RW Xamse oo Xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Itoobiya u jooga Soomaaliya, Cabdifitaax Cabdullaahi Xasan.

Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjiraha Itoobiya ayaa intii kulankoodu socday waxay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo khuseeya xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xarigga ka jaray adeegga duulista hawada Soomaaliya oo horumarin lagu sameeyay, lana gaarsiiyay heerka ugu sarreeya ee lagu qiimeeyo adeegga hawada caalamka.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Cusmaan Cigaal iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin ayaa ka warramay dadaalkii lagu soo gaaray heerka maanta ay u gudubtay hey'adda maamusha hawada dalka.

Ra’isul Wasaaraha oo hadal ka jeediyey munaasabaddda xarig-jarka oo ka dhacday xarunta Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay heerkan maanta la gaaray u leedahay horumarka dalka iyo guud ahaan dib u habeynta casriga ah ee adeegga hawada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa xusay in horumarinta lagu sameeyay adeegga hawada dalku uu keenayo kobac dhaqaale oo ka qeyb qaadanaya horumarka iyo isku filnaashaha dhaqaale ee uu qaranku hiigsanayo, waxaana uu u mahad celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray hagaajinta adeegga duulista hawada dalka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.