|

Duqa Muqdisho oo Wasiirka Haweenka kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin la dagaalanka Al-Shabaab

Wararka Idaacadda · Dalsan Editor · September 21, 2022
Duqa Muqdisho oo Wasiirka Haweenka kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin la dagaalanka Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan sidii Haweenka ay qeyb uga noqon lahaayeen xoojinta Amniga iyo la dagaalanka Al-Shabaab la qaatay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Banaadir, ayaa ugu horeyn lagu bogaadiyay howlgala dib u xureynta ah ee ka socda Gobolada Dalka kaas lagu cirib tiraayo Argagixisada, sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay sidii gargaar loo gaar siin lahaa dadka Barakacayaasha ah ee kunool Degmooyinka Muqdisho.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.