|

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka

Wararka Idaacadda · Dalsan Editor · September 20, 2022
Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka hadlay geerida Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed  Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku geeriyooday magalada Muqdisho.

"Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow," Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuum Booroow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dalkeena, Isla markaana door weyn kulahaa dowlad dhiska Soomaaliya

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskiisa Xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.