|

Imaaraadka Carabta oo Hirshabeelle u ballan qaaday taageero ku aaddan dagaalka AL-Shabaab

Wararka Idaacadda · Dalsan Editor · September 19, 2022
Imaaraadka Carabta oo Hirshabeelle u ballan qaaday taageero ku aaddan dagaalka AL-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya danjire Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska wareystay xaaladaha guud ee dalka gaar ahaan Arrimaha Hirshabeellle sida amniga, dardargalinta iyo taageerida howlgalada ka dhanka ah dagaalamaayaasha AL-Shabaab ah ee ka socda deegaannada Hirshabeelle, dhibaatooyinka adag ee ka jira deegaanadii dhowaan laga AlShabaab, gurmadka abaaraha iyo sida Imaaraadka Carabta uu Hirshabeelle uga taageeri lahaa kor u qaadida mashaariicda Horumarinta.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay safiirka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo sida ay Hirshabeelle uga taageeri lahaayeen howlaha muhiimka ah ee hortabinta u leh.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.