|

Boqollaal Kun oo Qof oo Israa’iil ka Mudaharaaday, Iyagoo Dalbanaya Joojinta Dagaalka Qasa iyo Sii-daynta La-haystayaasha

Caalamka · Ilhaan · August 18, 2025
Boqollaal Kun oo Qof oo Israa’iil ka Mudaharaaday, Iyagoo Dalbanaya Joojinta Dagaalka Qasa iyo Sii-daynta La-haystayaasha

Kumannaan qof ayaa Axaddii isugu soo baxay fagaaraha “La-haystayaasha” ee magaalada Tel Aviv, iyagoo cod dheer ugu baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda Qasa iyo in la gaaro heshiis lagu sii daayo maxaabiista ay weli hayaan Xamaas.

Mudaaharaadkan oo noqday kii ugu ballaarnaa tan iyo bilowgii dagaalka ayaa lagu muujiyey walaac xooggan oo ku saabsan qorshaha dowladda Israa’iil ay ku doonayso inay kula wareegto magaalada Qasa, arrintaas oo ay shacabka ku tilmaameen khatar weyn oo halis gelinaysa nolosha ku dhawaad 20 qof oo wali gacanta ugu jira Xamaas.

Shaqo-joojin qaran oo hal maalin ah ayaa qayb ka ahayd bannaanbaxyada, taas oo sababtay in la xirto waddooyin waaweyn, xafiisyo, jaamacado iyo xarumo kale oo adeegyo muhiim ah bixiya. Booliiska ayaa sheegay in ku dhawaad 40 qof lagu xiray intii ay socdeen mudaharaadyada.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.