|

Kumanaan Tahriibayaal ah oo Doon kula Degay Xeebaha Yemen

Caalamka · Ilhaan · August 4, 2025
Kumanaan Tahriibayaal ah oo Doon kula Degay Xeebaha Yemen

Ugu yaraan 60 qof oo tahriibayaal ah ayaa ku dhintay, halka tiro kale la la’yahay, kadib markii doon ay saarnaayeen ku dhowaad 150 qof ay ku degtay xeebaha gobolka Abyan ee Koonfurta Yemen, Axaddii, xilli ay jirtay cimilo aad u xun.

Madaxa Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah (IOM) ayaa sheegay in la helay meydadka 68 qof, halka 12 kale la badbaadiyay. Tobanaan kale ayaa wali lagu la’yahay badda, waxaana socda dadaallo gurmad ah.

Warbixinta IOM ayaa tilmaamaysa in inta badan dadka doontu la degtay ay kasoo jeedeen dalka Itoobiya, iyadoo dhacdadan lagu tilmaamay mid murugo badan oo dib u muujinaysa qatarta tahriibka badda.

Yemen ayaa weli ah marin muhiim ah oo ay isticmaalaan muhaajiriinta kasoo hayaama Geeska Afrika, kuwaasoo u sii socda dalalka Khaliijka Carabta iyagoo raadinaya nolol iyo shaqo. Hay’addu waxay sheegtay in boqollaal qof ay ku dhinteen ama la la’yahay doonyo ku rogmaday badda intii lagu guda jiray bilihii u dambeeyay.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.