Canada oo Aqoonsatay Falastiin, iyo Hamas oo Bilaabaysa Sii Deenta Maxaabiista

Ururka Xamaas ayaa maanta ku dhawaaqay inay dowladda Israa’iil u gudbin doonaan magacyada afarta qof ee la sii dayn doono, kuwaasoo qeyb ka ah heshiiska xabbad-joojinta ee Gaza. Wararka la helayo waxay muujinayaan in dadka la sii deynayo ay yihiin afar haween ah, oo isugu jira askar iyo rayid.
Isweydaarsiga maxaabiista ayaa lagu wadaa inuu dhaco maalinta Sabtida, iyadoo Israa’iil la filayo inay xabsiyada ka sii deyso ilaa 180 dumar Falastiiniyiin ah.
Sidoo kale, Sabtida ayaa lagu wadaa in kumannaan barakacayaal ah ay dib ugu laabtaan waqooyiga Marinka Gaza, iyadoo ciidamada Israa’iil ay bilaabeen inay ka baxaan deegaannadaas.
Dhanka kale, dowladda Canada ayaa shaacisay inay si rasmi ah u aqoonsanayso Falastiin inay tahay dal madax-bannaan. Go’aankan ayaa daba socdo hadallo kasoo yeeray Boqortooyada Ingiriiska iyo Faransiiska oo iyaguna muujiyay taageero ay u hayaan aqoonsiga Falastiin.