|

Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

Caalamka · Ilhaan · July 17, 2025
Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya oo eedeyn u jeediyay israa'il

Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya, Axmed al-Sharaa, ayaa si kulul uga hadlay rabshadihii dhawaan ka dhacay gobolka Sweida ee ay ku badan yihiin qowmiyadda Druze, isagoo ballanqaaday in lala xisaabtami doono cid kasta oo ku xadgudubtay xuquuqda iyo badqabka beeshaas.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Suuriya ay bilaabeen inay ka baxaan magaalada Sweida, taasoo ka dambeysay iska horimaadyo sababay dhimashada in ka badan 350 qof.

Al-Sharaa wuxuu ku dhawaaqay in mas’uuliyadda amniga ee deegaanada Druze loo wareejinayo odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo kalsoonida shacabka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ayaa si adag ugu eedeeyay dowladda Israa’iil in ay si toos ah bartilmaameed uga dhigatay xarumaha rayidka iyo kuwa dowladda Suuriya. Waxa uu sheegay in duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil fulisay Arbacadii lagu beegsaday xarumo muhiim ah oo ay ka mid yihiin wasaaradda gaashaandhigga iyo madaxtooyada.

Israa’iil ayaa dhankeeda ku andacootay in ciidamada Suuriya ee ku sugnaa Sweida ay weerarro ku qaadeen dadka rayidka ah ee ka tirsan qowmiyadda Druze, taasoo sii hurisay xiisadda gobolka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.