Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa caddeeyay in dalkiisu si buuxda oo aan shuruud lahayn u taageerayo mowqifka Ruushka ee ku aaddan dagaalka ka socda Ukraine. Taageeradan ayuu ku muujiyay intii lagu guda jiray kulan rasmi ah oo uu la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Sergei Lavrov, oo booqasho rasmi ah ku jooga Pyongyang.
Sida ay shaacisay warbaahinta rasmiga ah ee dowladda Kuuriyada Waqooyi (KCNA), Kim Jong Un ayaa tilmaamay in Pyongyang ay si buuxda u garab taagan tahay dhammaan tallaabooyinka uu qaadayo hoggaanka Kremlin-ka si loo xalliyo waxa uu ku sheegay "asal ahaan sababta dhabta ah ee keentay qalalaasaha Ukraine."
Kulanka dhex maray labada dhinac oo dhacay maalintii Sabti ayaa lagu sheegay inuu ku qabsoomay “jawi saaxiibtinimo iyo kalsooni sare leh.”
Ilo-diplomaasiyadeed oo reer Galbeed ah ayaa horay u sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay sannadkii la soo dhaafay u dirtay in ka badan 11,000 oo askari si ay u taageeraan Ruushka dagaalka ka dhanka ah Ukraine.
Dagaalka Ukraine waxaa si rasmi ah u billowday bishii Febraayo 2022, markaas oo Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu amray weerar ballaaran oo lagu qaaday dhulka Ukraine.