|

Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

Caalamka · Ilhaan · July 8, 2025
Rabshado Ka Dhashay Dibadbaxyo Ka Dhacay Kenya: 11 Qof oo La Dilay, Boqolaal La Xiray

Ugu yaraan 11 qof ayaa lagu dilay, halka 567 kalena la xiray, kadib mudaharaadyo xooggan oo looga soo horjeeday dowladda Kenya, sida ay xaqiijiyeen booliiska dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in booliisku ay rasaas toos ah ku fureen dibadbaxayaasha. Dr. Aron Sikuku, oo ka howlgala isbitaalka Eagle Nursing Home ee duleedka Nairobi, ayaa BBC-da u xaqiijiyay in xarunta la keenay meydadka laba qof oo u dhintay rasaas si toos ah ugu dhacday.

Sida laga soo xigtay ilo kala duwan, waxaa sidoo kale la dhaawacay 52 askari oo booliis ah iyo 11 qof oo rayid ah.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya ayaa warbixin rasmi ah ku sheegay in tirada dhimashada ay gaartay 10 qof, iyadoo tirada rasmiga ah ee dhimashada ay wali tahay mid muran ku jiro.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay baaqyo ku aaddan isla xisaabtan, maamul wanaag iyo caddaalad, iyadoo shacabka ay ka cabanayaan naxariis-darrada iyo xadgudubyada ay booliisku kula kacayaan dadka rayidka ah — arrintan oo billowday tan iyo Juunyo 2024.

Raila Odinga, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, ayaa isna ku baaqay in la sameeyo dib-u-habeyn buuxda oo lagu sameeyo booliiska, si dib loogu dhiso kalsoonida shacabka iyo hay’adaha amniga.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.